Nieuws · 15 June 2018
Koorsada Sheekaysiga ee Xagaaga
Baro sida ugu wanaagsan ee aad wadahadallo ugu geli lahayd afka Nederlaan adiga oo isticmaalaya koorsada xagaaga ee TopTaal!
Ma doonaysaa inaad xagaagan ku kalsoonaato oo aad xirfad badan u yeelato wadahadalladaada afka Nederlaan? Ma doonaysaa inaad ku tababarato ficil ahaan adiga oo helaya hagitaan iyo jawaab celin macallin khibrad leh? Markaa iska diiwaan geli koorsada xagaaga ee “Baro sida ugu wanaagsan ee aad afka Nederlaan ugu hadli lahayd”.
Muddada 4 toddobaad ah, waxaad 3 jeer toddobaadkii ku tababaran doontaa wadahadallada afka Nederlaan si aad u sii horumariso xirfadahaaga luqadeed. Casharradan waxaa bixin doona macallimiin shahaado haysta, inta casharrada lagu jiro waxaa sidoo kale si weyn loogu tababaran doonaa wadahadallada inta badan ka dhaca nolosha dhabta ah. Casharrada luqadda waxay ku habboon yihiin kuwa aan afka Nederlaan ku dhalan ee leh heerarka A1, A2 iyo B1 waxaana lagu bixin karaa deyntaada DUO. Kharashka guud ee koorsada sheekaysiga wuxuu noqon doonaa 475 euro.
- Muddada: 4 toddobaad
- 3 jeer toddobaadkii cashar
- Bilow: 30 Luulyo 2018
- Macallimiin shahaado haysta
- Tababar badan oo ficil ah
- Waxaa lagu bixin karaa deynta DUO
- Heerarka A1, A2 iyo B1
- Kharashka: €475,-
- Goobta Amsterdam Galbeed
FIIRO GAAR AH. Waxaa jira tiro kooban oo meelo ah koorsadan xagaaga. Si degdeg ah isaga diiwaan geli adiga oo isticmaalaya intake@toptaalgroep.nl ama wac 088 374200.
Diiwaangelintu waa ilaa 15 Luulyo



